Barnaamijkan waxa uu ku salaysan yahay cilmi ururin (Academic Research), waa sidii ay caasimada Hargaysi u gaadhi lahayd Horumer Waara (Sustainable Development) mudo dhan shan sano ah, hadii alleh ka dhigo.

Waxa ku dhigan/qoran shan tiir, tiir kastaana waxa uu soo bandhigayaa samotabixin dhib haysta degmada hargaysa

Tiirka 1aad:

Tiirka koobaadi waa Tayaynta Xaruumaha looga adeegaayo degmada hargaysa.

Waa bar bilawga qorsho ahaan, waxa uu ka noqonayaa Barnaamijkan boqolkiiba labbaatan (20%)

waxa si qoto-dheer ugu qoran ka jawaabida su’aalahan.

b. Sidee loo tayaynayaa xaruumaha Degmada Hargaysa   

     looga adeego?

t. Goormaa la tayaynayaa xaruumaha Degmada

   Hargaysa looga adeego?

j. Sabab ma loo tayaynayaa xaruumaha Degmada    

    Hargaysa looga adeego?

x. Yaa tayaynaya xaruumaha Degmada Hargaysa looga

     adeego?

Xal u helida su’aalahaas kor ku xusan oo faahfaasan ba uu xambaarsan yahay Tiirka koobaadi

Tiirka 2aad:

Tiirka Labbaadi waa Adeega Arimaha Bulshada Aasaasiga ah. Waxa uu ka noqonayaa barnaamijkan Boqolkiiba Soddan (30%). Waxaa ku qoran xal u helka waydiimahan hoos ku xusan ee dul hadheeyay degmada hargaysa 

b. Waa Maxay Adeega Arimaha Bulshadda ee Aasaasiga   

     ahi?

t. Goorma ayaa loo Adeegayaa Bulshada?

j. Sababma ayaa loogu Adeegayaa Bulshada?

x. Yaa u Adeegaya Bulshada?

Kh. Sidee loogu Adeegayaa Bulshada

Dayac-tirka baahiyaha adeegeed ee Arimaha Bulshadu waa waajibaad saaraan xubnaha (councilors) goolaha degaanka degmada hargaysa, waa sida uu dhigaay xeer lr.23/2019 (Xeerka Ismaamulka Gobaladda iyo Degmooyinka)

Tiirka 3aad:

Tiirka Saddexaad oo ah Bilicda Caasimada.

Waxa uu ka noqonayaa barnaamijkana boqolkiiba labbaatan (20%). Waxa uu ku salaysan yahay isla markaana qeexayaa qorshaha cagaaran ee Hargaysa (Hargeisa Green Plan Project).

Qorshahaasi waa maxsuulkii iyo xalkii ka soo baxay waydiimahan hoos ku qoran:

b. Waa Sidee Bilicda Caasimaddu Sanadkan 2026?

t. Yaa ka Masuul ah horumerka Bilicda Caasimada?

j. Sidee ayay noqon doontaa Bilicda Caasimadu Sanadka  

    2032?

Tiirka 4aad:

Tiirka Afaraad oo ah Kaabayaasha Dhaqaalaha.

Waxa uu ka yahay barnaamijkana boqolkiiba shan iyo toban (15%). Waxaa si qoto-dheer ugu dhigan/qoran xal ka soo baxay su’aalahan hoos ku qoran:

b. Waa side Kaabayaasha Dhaqaalah Degmada Hargaysi

     Sanadkan 2026?

t. Sidee ayaa uu noqon doonaa Kaabayaasha Dhaqaalaha

    Degmada Hargaysa Sanadka 2032?

Tiirka 5aad:

Tiirka shanaad waxa uu ka yahay barnaamijkana boqolkiiba shan iyo toban (15%). Waxaa ku qoran xal u helka soo kordhin ta dakhliga Dawlada hoose ee hargaysa

Maadaama oo dakhliga soo galaa Dawlada Hoose ee Hargaysa uu yahay sidan:

  1. Cashuur.
  2. Kabka Dawlada dhexe.
  3. Qaadhaanka ay ka hesho beesha caalamka.

Isla markaana aanay jirin dakhli kale oo soo gala, hadii alleh nagu guuleeyo doorashadda waxa aanu Abuuri doona Illo dakhli, isla markaana qayb mug leh ka qaadan doona qorshaha horumerka waara ee Degmada Hargaysa.